image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Kulan looga hadlayay caawinta iyo ka-hotaga masiibooyinka oo lagu qabtay Magaaladda Nairob

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle oo uu wehliyoGuddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay shir looga hadlayay u diyaar-garowga iyo ka hortagga fatahaadaha la filayo inay ka dhashaan roobka xilliga Deyrta.

Shirkaan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda SoDMA waxaa diiradda lagu saaray xoojinta nidaamyada digniinaha hore, qorsheynta wax ka qabashada fatahaadaha, iyo sidii loo heli lahaa sanduuq dhaqaale oo lagu taageero bulshada nugul ee ay saameyn karaan musiibooyinka dabiiciga ah. Shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah.

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa iftiimiyay muhiimadda ay leedahay in qurbo-joogta iyo ganacsatada Soomaaliyeed ay door muuqda ka qaataan gurmadka iyo taageerada bulshada Soomaaliyeed ee ay saameeyaan xaaladaha degdega ah.

“Saaxiibada Soomaaliya iyo Wakiilada kale ee shirka ka qeybgalay waxaan rajeynayaa inay ka doodi doonaan hanaanka looga hortegi karo fatahaadda iyo in sanduuq dhaqaale loo furo bulshada nugul”. Ayuu yiri Danjire Jabriil

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta dowladda, deeq-bixiyeyaasha iyo dhammaan bah-wadaagta arrimaha bini’aadannimada si loo kordhiyo u-diyaargarowga iyo ka hortagga fatahaadaha, loona xaqiijiyo in gargaar degdeg ah la gaarsiiyo bulshada ay khataruhu saameyn karaan.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha