Muqdisho – Qoysas oo u tiro badan oo beeraley ah ayaa soo buux dhaafiyay xeryaha barakacayaasha magaalada Muqdisho, iyagoo halkaas ay ku heysato xaalad bani’aadanimo.
Qoysaskan ayaa ka soo barakacay colaadaha ka soo cusboonaaday qeybo kala duwan ee ka tirsan gobolkaas, taasoo ka bilaabay muran ka dhashay lahaansho dhul beereedyo.
Dagaalada u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab, ayaa sidoo kale waxaa dhinac dagaalo beeleedyo ka dhashay muran ka dhashay dhul beereedyo la isku heysto lahaanshahooda.
Aadan Rooble oo haatan xaalad bani’aadanimo ku heysato mid ka mid ah xeryaha barakayaasha magaalada Muqdisho ayaa ah aabo ka xoogsan ka jiray beeraha ayaa sheegay in uu ka soo qaxay tuulada Farxaano ee gobolka Shabeelada Hoose. Aadan ayaa sheegay in ay tuulada uga soo qaxeen dagaalo joogto ah 10 cisho ka hor. Wuxuu sheegay in qoyskiisa qaar uu u helay baabuur raac, isagana uu soo lugeeyay, kadibna uu soo helay baabuur.
Aadan ayaa sheegay in ay ka soo cararaan beerihii ay ka shaqeynaysanayeen ay sabab u tahay diyaarado si joogto ah duqeymo uga geysanayay tuulada ay degenayeen.
Haatan Aadan Rooble ayaa qoyskiisu ku tiirsan lacago yar oo ay wiilashiisa ka soo shaqeeyaan caseeyenino, haddana uma muuqato rajo dib ugu noqosho deegaankii uu ka soo qaxay.
Faadumo Maaddey oo sheegay inay ka soo qaxday tuulada Jasiira ee hoos tagta magaalada Qoryooley ee gobolka Shabeelada Hoose, iyadoo sheegtay in gurigoodii uu dumiyay madfac. Faadumo ayaa sheegtay inay haatan ku tabaaleysan tahay magaalada Muqdisho.
Faadumo ayaa ka shaqeyn jirtay falista beeraha, oo wixii ka soo shaqeysatana biilan jirtay. Hase ahaattee, hadda Faadumo ayaa dhibaato bani’aadanimo ku heysataa magaalada Muqdisho.
Maryan Maxamed ayaa iyadana ah hooyo heysata 7 caruur ah oo agoon ah, taasoo ka soo barakacday tuulada Ugunji ee gobolka Shabeelada Hoose, sidoo kale waxa ay sheegtay inay soo barakiciyeen dagaalo halkaas ka dhacay. Hooyadan ayaa dhibaato bani’aadanimo ku heysataa magaalada Muqdisho.
Dagaaladan ayaa abuuray xaalado bani’aadanimo, dib u dhac ku yimaada xiliga beerashada iyo kororka barakayaacasha ku sii qulqulaya magaalada Muqdisho, taasoo marka laga soo tago isbedelka cimilada, ay tani sii kordhineyso.
Warbixintan waxaa diyaariyay: Amiiro Saleebaan Ibrahim, Barnaamijka Tebinta Isbedelka Cimilada ee SJS

