Shirweyaha Karanle oo ay ka soo qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshada Beelweynte Karanle ee Finland ayaa ka dhacay magaalada Helsinki, caasimadda Finland.
Shirweynaha ayaa waxaa lagu lafaguray muhiimadda ay leedahay midnimada Karanlaha deggan Finland iyo iska warqabka, is caawinta Jaaliyadda Karanle ee Finland.
Waxaa sidoo kale Shirweynaha lagu doortay Guddoomiye iyo Guddi la shaqeeya, kuwaas oo xilka sii hayn doonaa labada sano ee soo socota socota waxayna muddadaas ka shaqayn doonaa isku xirka jaaliyadda, qabanqaabinta xafladaha, madallada iyo shirarka waxtarka u leh Jaaliyadda iyo guud ahaan Karanle weynaha caalamka.
Guddoomiyaha la doortay Mudane Cumar Cabdi Colow oo Shirweynaha ka hadlay ayaa sheegay, in uu ka shaqayn doonaan danaha Jaaliyadda iyo wax kasta oo wanaag ah oo waxtar u leh Jaaliyadda Karanle ee Finland.



