Switzerland ayaa qorshaynaysaa in ay masaafuriso muwaadin Soomaali ah oo si daran u dhaawacmay, kaas oo sidoo kale ah aabbaha saddex carruur ah oo ku nool Yurub. Mas’uuliyiinta Soomaaliya waxay oggolaadeen in ay qaabilaan, sida ay sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Swiss-ka ah ee Augenauf.
Laba qof oo hore loo masaafuriyay ayaa sheegay in booliska Switzerland ay si xooggan u adeegsadeen awood xilligii masaafurintooda. Qareenno iyo ururrada xuquuqda aadanaha ee Switzerland waxay sheegeen in falalkan ay si weyn uga hor imaan karaan sharciga Switzerland iyo kan caalamiga ah. Ugu yaraan laba xaaladood, waxay aaminsan yihiin in masaafurintu ay dadkaas gelisay khatar weyn oo noloshooda ah. Augenauf waxay arrintan u gudbisay mas’uuliyiinta ay khusayso, oo ay ku jiraan booliska gobolka Zurich iyo Guddiga Qaranka ee Ka Hortagga Jirdilka (NKVF).
Labadan muwaadin oo Soomaali ah ayaasheegay in si xun loola dhaqmay xilligii masaafurintooda ayaa Switzerland ka gudbiyay dacwado ciqaabeed ka dhan ah dadka ay sheegeen in ay waxyeelleeyeen.
Hadda, muwaadin kale oo Soomaali ah ayaa xaalad aad u nugul ku jira isagoo wajahaya masaafurin. Waxaa loo qorsheeyay in Khamiista, 10ka Sebtembar, loo masaafuriyo Muqdisho isagoo sii maraya Istanbul, waxaana la filayaa in uu yimaado 08:40.
Qiyaastii laba toddobaad ka hor, ninkan waxaa si daran u dhaawacay laba qof oo ay wada degganaayeen, kuwaas oo rabshad ka sameeyay gudaha hoyga dhulka hoostiisa ah ee magangelyo-doonka oo ay mas’uuliyiintu u qoondeeyeen. Wuxuu qabay jabno badan oo madaxa ah, dhaawac maskaxeed iyo dhaawacyo indhaha ah. Wax yar ka dib, waxaa qalliin loogu sameeyay Isbitaalka Jaamacadda Zurich. Laba qalliin oo kale ayaa loo qorsheeyay toddobaadka 7da Sebtembar, balse mas’uuliyiinta Switzerland ayaa hor istaagay in qalliinadaas la sameeyo.
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa ninkan siisay dukumenti safar oo ku-meel-gaar ah. Hase yeeshee, hay’addu ma aysan tixgelin xaaladdiisa caafimaad ee daran, inkastoo lagu weeraray laguna dhaawacay hoy ay bixiyeen mas’uuliyiinta Switzerland.
Waxaa sidoo kale jirta dhibaato kale: sawirka ku yaal dukumentiga safarka ee ku-meel-gaarka ah uma eka ninka la qorsheeyay in la masaafuriyo. Qareenkiisa ayaa ka codsaday mas’uuliyiinta in ay joojiyaan masaafurinta.
Ninkan wuxuu Switzerland ku noolaa 11 sano, waana aabbaha saddex carruur ah oo ku nool Yurub.
Istaraatiijiyadda Switzerland ee “Karootada iyo Usha” ee Soomaaliya
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya waxay Switzerland ka heshaa taageero dhaqaale oo badan iyo kaalmooyin kale. Tusaale ahaan, Switzerland waxay hay’adda siisay kombiyuutarro iyo qalabka sawir-qaadista dukumentiyada, waxayna shaqaalaheeda ku casuuntay Switzerland si ay tababar u helaan.
Isla waqtigaas, Switzerland waxay adkaysay shuruucda fiisaha ee Soomaaliya iyo Guinea. Isbeddelladan waxaa la sameeyay bishii Agoosto, waxaana lagu sheegay in ujeeddadu tahay in la hagaajiyo iskaashiga ku saabsan dib-u-celinta dadka looga baahan yahay in ay Switzerland ka baxaan.
Augenauf waxay habkan ku tilmaantay “istaraatiijiyadda karootada iyo usha”, sababtoo ah Switzerland waxay Soomaaliya siisaa taageero, iyadoo isla markaana cadaadis saaraysa si ay u aqbasho dadka la masaafurinayo.
Augenauf waxay si degdeg ah ugu baaqaysaa mas’uuliyiinta Soomaaliya in ay hubiyaan in Switzerland ay ixtiraamto xuquuqda aadanaha ee muwaadiniinta Soomaaliyeed. Waxay sidoo kale doonaysaa in Soomaaliya ay diido in ay qaabisho dadka xanuunsan ama dhaawac daran qaba, iyo sidoo kale dadka sheegaya in si xun loola dhaqmay xilligii masaafurintooda.
Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Switzerland ee Augenauf waxaa la aasaasay 1995. Waxay baaritaan ku samaysaa oo diiwaangelisaa xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ay geystaan mas’uuliyiinta Switzerland, waxayna, marka ay suurtagal tahay, siisaa taageero sharci dadka xuquuqdooda lagu xadgudbay.

