Brusels (Onkod Radio) Golaha Midowga Yurub ayaa go’aansaday inuu si ku-meel-gaar ah u adkeeyo qaar ka mid ah shuruudaha bixinta fiisaha ee muwaadiniinta Soomaaliyeed, isaga oo sabab uga dhigay wada-shaqayn aan ku filnayn oo Soomaaliya ka muujisay dib u qaabilaadda muwaadiniinteeda sida sharci-darro ah ugu sugan dalalka Midowga Yurub, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay soo saareen Golaha Midowga Yurub.
Go’aankan ayaa yimid kadib qiimeyn ay samaysay Guddiga Yurub, taas oo lagu sheegay in Soomaaliya aanay samayn horumar ku filan oo ku saabsan wada-shaqaynta la xiriirta soo celinta iyo dib u qaabilaadda muwaadiniinteeda.
Sida ku cad tallaabooyinka cusub, dowladaha xubnaha ka ah Midowga Yurub ma sii bixin doonaan fiisayaal gelitaan badan leh (multiple-entry visas) oo la siiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed. Sidoo kale, lama dhaafi doono shuruudaha dukumentiyada ay codsadayaasha Soomaaliyeed soo gudbinayaan, waxaana laga qaadi doonaa khidmadaha fiisaha xitaa dadka sita baasaboorrada diblomaasiga ah iyo kuwa adeegga.
Intaa waxaa dheer, muddada caadiga ah ee lagu farsameeyo codsiyada fiisaha ayaa laga kordhin doonaa 15 maalmood ilaa 45 maalmood.
Golaha ayaa sheegay in tallaabooyinkani yihiin kuwo ku-meel-gaar ah oo looga gol leeyahay in lagu dhiirrigeliyo Soomaaliya inay xoojiso wada-shaqaynta ku saabsan dib u qaabilaadda muwaadiniinteeda. Lama cayimin taariikh gaar ah oo ay tallaabooyinkani ku eg yihiin, waxaana Guddiga Yurub sii wadi doonaa kormeerka iyo qiimeynta horumarka ay sameeyaan hay’adaha Soomaaliya.
Tallaabooyinkan ayaa qayb ka ah siyaasadda fiisaha ee Midowga Yurub, taas oo u oggolaanaysa in la beddelo habraacyada fiisaha marka wada-shaqaynta dhinaca socdaalka iyo dib u qaabilaaddu loo arko mid aan ku filnayn.

