image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Yahuuda oo diiday in gawaari gargaar bani’aadannimo siday in ay galaan Gaza

Israa’iil ayaa qaar ka mid ah bulshada caalamka kala kulantay dhaleecayn ba’an, kaddib marki ay Axaddii shalay joojisay dhammaan sahaydi cuntada iyo dawada ee geleysay Marinka Gaza, isla markaana ka digtay cawaaqib dheeraadka ah, haddii aanan la kordhinin muddada xabbad-joojinta.

Dalalka Masar iyo Qatar oo ka mid ah dhexdhexaadiyaasha wadahadallada Israa’iil iyo Xamaas ayaa ku eedeeyay Israa’il in ay ku xadgudubtay sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada, isla markaana ay gaajadu u adeegsanayaan sida hubki oo kale.

Madaxa bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay Tom Fletcher ayaa go’aanka Israa’iil ku tilmaamay mid laga naxo, isagoo xusay in sharciga caalamiga ah ee bini’aadannimada uu si cad u sheegayo in ay waajib tahay ogolaashaha helitaanka gargaarka.

Hay’adda samafalka caafimaadka ee MSF ayaa iyaduna ku eedaysay Israa’iil in ay gargaarka u adeegsato gorgortan, taas oo ay ku tilmaantay wax aan la aqbali karin iyo wax laga xumaado.

Wajigii koowaad ee xabbad-joojinta ayaa xaqiijiyay qulqulka gargaar bani’aadannimo oo la geeyay Gaza, kaddib 15 bilood oo gaaja iyo duqeyn ah. Jaritaanka gargaarka ee Isra’il ayaa ku soo aadday xilli ay billow tahay bisha barakeysan ee Ramadan.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.