image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Xildhinaankii, caagga ku tuuray Aadan Madoobe oo raalli gelin ka bixiyay

Muqdisho (Onkod Radio ) — Xildhibaan Maxamed Xasan Murjaan, oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa raali-gelin buuxda ka bixiyay ficilkii uu kula kacay guddoomiye Aadan Madoobe, xili ay bilaabatay baaris la xiriirta arrintaas.

Xildhibaan Murjaan ayaa kamid ahaa Xildhibaano fowdo ka sameeyay dhawaan kulankii Golaha Shacabka ee lagu ansixinayay Wasiirada cusub, wuxuuna caag ku tuuray guddoomiyaha Golaha Shacabka.

“Waxaa raali-gelin buuxda ka siinaya shacabka Soomaaliyeed, Golaha Shacabka iyo guddoonka dhacdadii aan sida tooska ah caaga ugu tuuray guddoomiyaha, raali-gelin ayaa ka siinaya guddoomiyaha,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in arrinta keentay ficilka uu kula kacay guddoomiyaha uu ka dhashay kala aragti duwanaansho, wallow uusan si faah-faahsan uga sii hadlin.

“Qof walba aragti ayuu leeyahay wuu dhiiban kara ama wuu diidi kara. Caag tuurka waxa keenay waa intaas kaliya. Waxaa isleeyahay howsha meesha ayay ku dhamaatay.”

Raali-gelinta Xildhibaan Murjaan ayaa imanaysa labo maalmood kadib markii Guddoomiye Aadan Madoobe uu Guddi KMG ah u saaray baarista dhacdadaas nidaam-darada aheyd ee 7-dii bishaan ka dhacday xarunta Golaha.

Guddiga ayaa sidoo kale la faray in warbixin ka keenaan dhacdadaas, islamarkaana natiijada ka soo baxda baaritaanka ay ku soo sameeyaan dib ugu soo celiyaan guddoonka, lamana oga saameynta ay raali-gelinta Murjaan ku yeelan doonto arrintaan.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.