image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Xiisadda Somaliland oo meel sare gaartay iyo masu’ul ‘ka bad-baaday isku-day dil’

Muqdisho (Onkod Radio) – Xaaladda guud ee magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa maanta kacsaneyd, kadib markii ay ka billowdeen dibad-baxyo ballaaran oo looga soo horjeedo xukuumadda Muuse Biixi.

Dibad-baxa oo ay hogaaminayeen mas’uuliyiinta xisbiyada mucaaradka ee Wadani iyo UCID, islamarkaana ay ka qeyb-galayeen dadweyne kala duwan oo taageerayaal ah ayaa waxay ciidamada ku fureen rasaas aan loo meel-dayin.

Wararka ayaa sheegaya in illaa dhowr qof oo mas’uuliyiin ay ku jiraan dhaawacyo soo gaareen, waxaana ka mid ah xildhibaan Barkhad Baatuun, Muniir Axmed Cigaal iyo xubno kale oo kamid ah mucaaradka.

Ciidamada ayaa sidoo kale kala eryay dibad-baxayaasha oo ku qaylinaya erayo ka dhan ah Madaxweynaha talada haya Muuse Biixi Cabdi, oo muddo xileedkiisa uu gabaabsi yahay.

Xiisada Somaliland ayaa kasii dareysa ayada oo ciidamada Somaliland ay sidoo kale xir-xireen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dibad-baxa ka qayb-galay, waxaana ka mid ah Cabdullaahi Maxamed Daahir Cakuse oo ah Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.