image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo deg deg ugu yeeray Wasiir Beyle

Muqdisho (Onkod Radio) – Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka qaybtiisa qaabilsan denbiyadda Lidka ku-ah maaliyadda iyo dhaqaalaha ayaa waxa uu baaris ku bilaabay dambiyada la xiriira maaliyada iyo dhaqaalaha waddanka.

Xeer-Ilaaliyaha Guud ayaa sidaas darteed maanta u direy warqad yeermo ah Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, si wax looga weydiiyo arrimo la xiriira Maaliyadda oo Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha baaristiisa wado.

Wasiir Bayle ayaa la faray in maalinta Isniinta oo ku taariikheysan 27/06/2022 uu yimaado Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha saacadu markay tahay 11:00 subaxnimo.

“Wasiirka waxaa la farayaa in uu wakhtiga ilaaliyo, kuna yimaaddo balanta loo qabtay,” ayaa lagu yiri warqada sida tooska ah ugu socotay Beyle ee kasoo baxday xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Warqadda u yeerista Wasiir Bayle ayaa sidoo kale waxa la ogeysiiyay Guddiga KMG ah Maaliyadda ee labada Aqal BFS iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.