image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Xeeladaha muddo kororsiga ee Muuse Biixi uu kala mid yahay Maxamed Farmaajo

Muqdisho (Onkod Radio) — Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu eedeeyay inuu doonayo muddo kororsi uu xafiiska kusii joogo kadib Novembar 2022 o ay ku egtahay middo xileedkiisii 5-ta sano ahaa.

Waxaa Muuse Biixi si weyn loogu amaanay Doorashadii Golayaasha Wakiilada iyo Degaanka ee Somailand oo dhacday Jun 2021, laakiin guuldarradii xisbigiisa Kulmiye kasoo gaartay ayaa u muuqata inuu qaatay dariiq la mida kii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo isku dayey inu muddo kororsi laba sano sameysto, kadibna qalalaase ka dhaliyey Muqdisho ilaa markii danbe looga adkaaday doorashadii 15 May 2022.

Waxaa marar badan natiijo la’aan ku dhammaaday wadahadallo u dhaxeeyay xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland, iyadoo khilaaf weyni ka taagan yahay Doorashada madaxtinimada iyo furista Xibsiyada ee is dhex galay.

Madaxda Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada oo arrinta dhex galay ayaa gacanta ka tahay markii Muuse Biixi uu diiday inuu qaato go’aanka ay gaaraan, waxayna arrintii isu bedeshay loolan iyo qalalaase siyaasadeed oo halis ku haya maamulka iyo nabaddii Somaliland.

Sida Farmaajo uu qabashada ‘Doorasho Qof iyo Cod’ ah ugu adeegsaday inuu xilka kusii joogo wuxuu Muuse Biixi la yimid Qorshaha ‘Furista Xisbiyadda’ taasoo uu kusoo beegay dhammaanshaha xilligsiisa.

Arrinta furista xisbiyada oo si weyn Somaliland looga raadinaye iyo xuquuq ka maqneyd siyaasiyiinta degaankaasi 10 sano, ayaa hadda noqotay mid Muuse Biixi u adeegsado inuu xilka kusii jeedo, wxaaana bilowday diiwaangein ururro cusub xilli doorashadii Madaxweynaha ay harsan tahay wax ka yar 3 bilood, tan xisbiyada sharciga ahna 4 bilood.

Muuse Biixi oo mucaaradka kasoo horjeeda ay fahamsan yihiin inuu arrinta ‘Furista Xisbiyada’ uga dan leeyahay xukun dheereysi ee aysan ka ahayn daacad ayaa ka quustay heshiis ay la galaan Muuse Biixi, waxyna bilaabeen bannaanbaxyo rabashado dhalyey oo diid ku daatay, waxana xaalada Somaliland tahay mid kacsan oo kacdoon beeleed siyaasadeysan hareeyay.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.