image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Xasan muxuu ka yiri go’aanka DENI ee doorashada Puntland ?

Muqdisho (ONKOD) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyey miro-dhalka dadaallada odeyaasha dhaqanka Puntland ee ku aaddanaa qabsoomidda doorasho ay heshiis ku yihiin dhinacyada siyaasadda iyo go’aanka Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, taas oo lagaga gudbayo hubinti la’aantii muddadan ka jirtay arrimaha doorashooyinka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in go’aanka Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo kaalinta waxgaradka iyo isimada Puntland ay yihiin tallaabooyin xoojinaya xasiloonida iyo horumarka siyaasadeed ee Puntland iyo Soomaaliya guud ahaan.

“Puntland waxa ay xuddun u tahay Nidaamka Federaalka dalka, waa tusaalaha nabadda iyo wadajirka, sidaas awgeed waxaan adkeynaynaa dadaallada odeyaasha dhaqanka iyo waxagaradka. Waxaan Alle ka baryeyaa in doorashadaasi ay ku idlaato is-fahan iyo jawi nabadeed oo ka tarjumaya sooyaalka deegaannada Puntland.”

Madaxweynaha oo garowsan doorka Puntland ay ku leedahay hannaanka Federaalka iyo dowladnimada dalka ayaa ku dhiirrigeliyay dhammaan dhinacyada qeybta ka ah hannaanka doorashada Puntland inay sii wadaan wadatashiyada, waxa uuna muujiyey sida uu u garab taagan yahay dhammeystirka doorashada iyo in lagaga gudbo marxaladdan wadatashi, isu-tanaasul iyo ilaalinta nabadda ay ku tilmaaman yihiin reer Puntland,

DHAMMAAD

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.