image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Xamse oo markii ugu horeysay ka degay Doolow & xaalada Gedo oo cakiran

Doolow (ONKOD) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer uu ugu kuur galayo xaaladda binu aadantinimo ee ka dhalatay roobabka daadadka wata ee ka da’ay qeybo kamid ah gobollada dalka, waxa uu ku tagey degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow ku soo dhaweeyey Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, masuuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Doolow.

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay gobolka Gedo waxa uu halkaas sidoo kale uu kula kulmi doonaan masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo.

Amaanka deefaanada  degmada Doolow ee  Gobolka Gedo ayaa maanta oo Isniin ah aad loo adkeeyay waxaana waddooyinka la dhigay ciidamo fara badan oo suga amniga degmadaas oo uu ku sugan yahay Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Bare.

Waa markii ugu horeysay oo  Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya boqoasho uu ku tago  deegaan ka mid ah gobolka Gedo halkaas oo ay ka jiraan dhibaatooyin la xiriira roobabka fataahadaha ka dhashay.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.