image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Xafiiska Xamza oo la wareegay deeq ay isku qabsadeen laba Wasaaradood

Muqdisho (Onkod Radio) —  Xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah ula wareegay deeq raashin oo ka yimid dalka Imaaraadka Carabta, oo muddo 7 beri ah, ku xayirneyd dekadda Muqdisho kaddib markii la isku qabsaday ciddii maamuli laheyd.

War qoraal ah, oo kasoo baxay xafiiska Xamza, ayaa lagu sheegay inay deeq daas la wareegaan wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, Wasiirka Wasaaradda Dekedaha, Gen. Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir), Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Maxamed Abuukar Zubeyr, iyo masu’uliyiin kale.

Deeqda oo ka kooban 40 konteenar ayaa isugu jira cuntooyin kala duwan oo loogu talagalay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska Xamza, ayaa lagu yiri “Dowladda Soomaaliya, waxay ka shaqeyneysaa inay u gaarsiiso dadka ugu baahida badan ee gobollada dalka sida ugu dhaqsiyaha badan.”

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada iyo Maareynta Musiibooyinka, ayaa isku qasbaday la wareegista iyo maamulka gargaarka, waxayna taas ugu dambeyn keentay inuu soo farageliyo xafiiska ra’isuwasaare Xamza Cabdi Barre.

Arrintan ayaa waxaa horey ugu shaqo laheyd wasaaradda Maareynta iyo musiibooyinka oo hadda la baabi’iyay, waxaana caddeyn cidda la wareegtay shaqadeeda.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.