image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay duleedka degmada Marka

Muqdisho (Onkod Radio) — Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar dhabagal ah oo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku socdaalayey duleedka magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa xigay iska hor imaad toos ah oo u dhexeeyey labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka iyo weerarka ka horreeyey ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhexeysa degaannada Janaale iyo Buufo ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan ku dhintay ugu yaraan 2 askari, halka uu ku dhaawacmay 1 askari oo kale.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in haatan xaaladdu ay tahay mid deggan, waxaana ciidamada la weeraray ay sii wateen socdaalkooda, iyaga oo gaaray magaallo xeebeedka Marka.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kaeoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba.

Shabeelaha Hoose waxaa inta badan ka dhaca dagaallo iyo weeraro toos ah oo ay kooxda Al-Shabaab ka fuliso gobolkaas oo hoostaga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.