image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Wasiirka Gaashaandhigga oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay garab istaagaan ciidanka xoogga

Maanta oo ah 12 April waxa ay ku began tahay sannad guuradii 65-aad ee aas aaska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxda  ugu saareysa dalka ayaa hambalyo u diray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, oo xiligaan  dagaal adag kula jira kooxaha Al-shabaab iyo Daacish oo dhibaato badan ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa hambalyo u diray Saraakiisha, Saraakiil xigeenada Alifleyda dableyda ciidanka xoogga dalka iyo qoysaskooda xuska 65-aad guuradii kasoo wareegtay aas aaska ciidanka xoogga dalka ee 12 April.

Wasiirka ayaa xusay in ciidanka xoogga dalka ay laf-dhar u yihiin difaaca iyo qaranimada ummada Soomaaliyeed, tan markii la aas aasay 12-kii April 1960 –kii ilaa iyo maanta ay  u adeegayaan dadkooda.

“Ciidanka Xoogga Dalka waa geesiyaal naftooda u hura difaaca dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed. Alle waxaan uga baryayaa inuu aqbalo shahaadadooda, kuwa dhaawacanna uu siiyo caafimaad degdeg ah” ayuu yiri wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan Ciidanka Xoogga Dalka, iyagoo si buuxda u taageeraya dadaallada ay ugu jiraan ciribtirka kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.