image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Wasiirka Arrimaha dibadda oo dhiggiisa Rwanda kala hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta kula kulmay Magaalada New York, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Rwanda, Olivier Jean Patrick Nduhungirehe, isaga oo kala hadlay horumarinta xiriirka labo geesoodka , adkaynta iskaashi wadaagga iyo xaaladaha amni iyo siyaasad ee gobolka.

Intii kulanka lagu gudo jiray, labada wasiir waxa ay si qoto-dheer uga wada hadleen xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal iyo in ay ka go’antahay in si wadajir ah ay sare ugu qaadaan iskaashi dhinacyo badan oo nacfi wadaag leh, waxa ay sidoo kale isla soo hadal-qaadeen arrimo dhowr ah oo danta guud ah, iyagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay in la kobciyo wax wadaagga si looga guul keeno himillooyinka.

Kulankani ayaa lagu faaqiday xaaladihii ugu dambeeyay ee heer gobol iyo heer caalami, iyadoo diiradda lagu saarray baahida loo qabo tub toosan oo Afrikaanku leeyihiin oo wax looga qabto loollanada iyo caqabadaha ka dhex aloolsan daafaha kala duwan ee qaaradda, iyadoo la adeegsanayo aragti u gaar ah Afrika si loo xaliyo arrimaha khalafsan ee ku suntan siyaasadda iyo amniga.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.