image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Wasaaradda Maaliyadda oo joojisay Buugga Caafimaadka ee ay soo rogtay wasaaradda Caafimaadka

Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa joojisay khidmadaha la xiriira Buugga caafimaadka ee laga rabo rakaabka  soo geliya ama ka baxaya garoonka diyaaradaha ee Muqdisho,  kaasi oo maanta ay ku soo rogtay wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda maaiyadda ayaa lagu sheegay in dib u-eegis lagu sameeyey go,aanka Machadka Caafimaadka iyo wasaaradda Caafimaadka, kaasi oo la sheegay  in la rabay  inuu dhaqan galo 03 Febaraayo 2025.

“khidmadaha la-xiriira buuga caafimaadka ee rakaabka ka-baxaya iyo kuwa soo-galaya Dalka ee la tilmaamay inay dhaqan-galayaan 03 Febaraayo 2025, waxa ay yihiin, loona aqoonsaday waxba kama jiraan, si waafaqsan Sharciga Maamulka Dakhliga 2019, iyo Qaraarka Golaha Wasiiradda ee Maamulka Khasnadda Midaysan ee 21 Agoosto 2024. Sidaa darteed, ururinta khidmadaha noocaas ah waa in la joojiyaa”. Ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda maaliyadda

Sidoo kale wasaaradda Maaliyadda,  ayaa sheegtay in waxba kama jiraan uu yahay khidmadaha la xiriira Buugga Caafimaadka ee laga rabo rakaabka dalka soo gelaya ama ka baxaya.

Wasaaradda ayaa fartay in dhammaan hay’adaha ay khuseeyso arrintan si degdeg ah loo joojiyo ururinta khidmadaha cusub.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.