image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Warsaxaafadeed kasoo baxay DFS ayaa lagu sheegay ugu yaraan 5 katirsan Al-Shabaab lagu dilay deegaanka Camal

Muqdisho (Onkod Radio) — Warsaxaafadeed kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay iugu yaraan 5 katirsan Ururka Al-Shabaab lagu dilay deegaanka Camal ee gobolka Hiiraan.

“Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan Guutada 5aad ayaa hawlgal ay ka sameeyeen Buuraha Camal oo khiyaastii 20km u jirta Deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraan ku dilay shan dhagar qabe oo ka tirsan Argagixisada Alshabaab.

Ciidanka Xoogga oo ku raad joogay firxadka maleeshiyaadka nafla caariga ah ee Alshabaab oo looga soo adkaaday dagaaladii ka dhacay gobalka oo ay iska kaashanayeen ciidanka qaranka iyo dadka deegaanka ee lagu xoreeyay deegaano badan ayaa sameeyay hawlgalkani si loo ciribtiro dhagar qabayaasha baxsadka ah ee lagu jabiyay dagaalka.

Ciidanka ayaa wali wada hawlgalo is daba joog ah si loo xaqiijiyo argagixisada arxanlaawayaasha ah in aanay helin goobo ay gabbaad ka dhigtaan.

Ma jirto waddo aan ahayn inay isi soo dhiibaan oo u furan dhalinyarada ay argagixisadu qaldeen, Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa dadkeeda waxaa ka go’an in ay soo afjarto cadowga arxanka darran ee Al-Shabaab.”

Dagaallada gobolka ayaa inta badan iska kaashada dadka deegaanka iyo ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa looga adkaaday dagaalladan ka socda gobolka ayadoona inta badan laga qabsado deegaano cusub oo Saldhigyo u ah.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.