image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Wareysi: Ciidamada DFS oo lagu eedeyay inay dhac ka geysteen deegaan ay qabsadeen

Muqdisho (Onkod Radio) — Ciidamada dowladda Soomaaliya, ayaa maanta weeraray degaanka Warciise ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo horay ay ugu sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaana la sheegay in ciidanku ay bililiqo ka geysteen degaankaas.

Dadka degaanka Warciise oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Al-Shabaab ay isaga baxeen degaanka, markii ay ka war heleen in ciidanka dowladda Soomaaliya ay ku soo wajahan yihiin.

Maxamed Axmed Xuseen, oo ka mid ah, dadka reer Warciise, oo la hadlay Idaacadda Kulmiye, ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay maanta degaankaas ka geysteen dhac xoog leh, kadibna ay isaga soo baxeen.

Wuxuu sheegay in ciidamadu ay jabsadeen guryo iyo dukaamo ay dad shacab ah leeyihiin, isla markaana dadka la dhacay uu isagu ku jiro, iyadoo laga soo qaatay hub uu beeraha ku waardiyeysan jiray iyo mid uu qabaa’ilkiisu lahaa oo beertiisa yaallay.

Maxamed Axmed, ayaa sheegay in lacag, hub iyo rasaas badan ay ciidamada dowladdu ka soo qaateen beertiisa oo ku taalla duleedka degaanka Warciise, sidoo kale wuxuu sheegay in taleefano, lacag, gaadiid iyo hub ay qabaa’ilka deegaanku lahaayeen ay ciidamadu soo furteen.

Gaadiidka laga soo qaatay dadka deegaanka ayuu Maxamed ku sheegay inay gaarayaan labo gaari oo kala ah Homeey iyo NOAH, waxaana degaanka soo banneeyay ciidamadii dowladda ee maanta qabsaday, kaddib markii ay isaga baxeen Al-Shabaab, oo maamusha degaankaas.

Warbaahinta dowladda Soomaaliya, oo soo xiganeysa saraakiishii hoggaamineysay ciidankaas ayaa baahisay in ciidamadu ay kooxda Al-Shabaab, hub iyo gaadiid uga furteen dagaal ay maanta kula galeen degaanka Warciiise.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.