image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Wararkii ugu dambeeyey suuqa labaad ee ugu weyn Hargeysa oo gubtay

Warara dheeraad ah ayaa laga helaya dab xooggan oo xalay ka kacay suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Hargeysa ee loo yaqaan suuqa Idaacadda.

Dabka ayaa la sheegay inuu baabi’iyay inta badan goobihii ganacsi ee suuqa ku yaalay, waxaana  ka dhashay khasaaro hantiyadeed oo fara badan kaasi oo soo gaaray ganacsatada reer Hargeysa.

Qaar kamid ah ganacsatada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dabka si fudud loo damin karay  balse la waayay waddooyin ay maraan gaadiidka Dab damiska ah, taasina ay sababtay inuu dabka ku sii faafo suuqa inkasto markii dambe lagu guuleystay in la damiyo.

Khasaaraha maaliyadeed ee ka dhashay dabka, ayaan weli la ogeyn inkasto hadda la tirakoobayo  goobha ganacsi ee dabka ku basbeelay.

Sidoo kale suuqa Idaacadda ayaa ah suuq isku raran ah oo aan laheyn waddooyin ay dhex mari karaan gadiidka Dab damiska ah markii uu dab ka kaco suuqa.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa u tacsiyadeeyay shacabkii ku hanti belay dabkii xalay ka kacay suuqa Idaacadda ee magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland

“Waxaan ka tacsiyeynayaa shacabkii ay hantidu kaga waxyeelowday dabkii xalay ka kacay suuqa Idaacadda ee magaalada Hargeiysa. Waxaan Illaahay u waydiinayaa in uu cawil Khayr qaba ugu beddelo waxyeelladaa soo gaadhay hantidooda, waxaanan rajaynayaa in shacab iyo Dawladba la barbar istaago dadkaa dabku waxyeelleeyey hantidoodii.” Ayuu yiri Muuse Biixi

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.