image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Wararkii ugu dambeeyay qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax miino oo haleeyay gaari Noah oo ay saarnayeen dad shacab ah, isla markaana ka yimid degmada Mahadaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe, kuna sii jeeday garoonka diyaaradaha ee Maxamed Dheere, ee magaalada Jowhar ee xarnta maamulka Hir-shabeelle.

Goob jogayaal ayaa inoo sheegay in gaari ay wateen Dhalinyaro ka shaqeyneysay Garoonka Diyaaradaha Maxamed Dheere, ee magaalada Jowhar.

Inta la xaqiijiyay hal ayaa geeriyooday Sideed kalana waa aay ku dhaawacantay qaraxaasi Miinada ah ee gaariga qabsaday, waxaan dadkii ku dhaawacmay qaraxa la dhigay isbitalka magaalada Jowhar, si loo tacaalo.

Sidoo kale muqaal laga duubay gaariga ay miinada qabsatay ayaa muujinayay in gaariga uu soo gaaray burbur xoogan intiisa badan.

Wali laamaha amniga ee maamulka Hir-shabeelle, kama aysan hadlin khasaaraha uu dhaliyay qaraxan maanta ka dhacay wadada u dhaxeeysa Degmada Jowhar iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar ee xarunta Hir-shabeele.

Geesta kale dhalinyaradaan Shaqaalaha ka aheyd garoonka, ayaa la sheegay in inta badan ay si joogto wadadaas u isticmaali jireen, balse waxaa dhacday ugu dambeyn iney maanta la kulmeen musiibadan waxyeelada gaarsiisay.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.