image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Wararkii ugu dambeeyay Hoobiyeyaal khasaaro geystay oo lagu garaacay qeybo kamid ah Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tiro Hobiyeyaal ah oo saakay lagu garaacay degmooyin katirsan gobolka Banaadir, gaar ahaan kuwa ku dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Hoobiyeyaasha oo inta badan laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, ayaa si gaar ah ugu dhacay degmooyinka, Xamarjabab, Xamarweyne iyo Shibis ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in Hoobiyeyaasha qaar inay ku dhaceen guryo ay deggan yihiin dadka shacabka, waxaana la soo wariyay in hal ruux uu ku geeriyooday, saddex kalana ay ku dhaawacmeen.

Inta badan weerarada noocan oo kale ee madaaficda ayaa waxaa mas’uuliyadooda sheegta kooxda Al-shabaab, waxaana xusid mudan in todobaadyo ka hor ay kooxdu tiro Hoobiyeyaal ah ku garaacday agagaarka xarunta madaxtooyada iyo xerada Xalane oo ku dhex taalla xeyndaabka garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo hadda ma jiro war kasoo baxay lamaaha amniga oo ay uga hadlayaan Hoobiyeyaashan khasaaraha dhaliyay ee saakay lagu garaacay qeybo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.