image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Villa Somalia, oo war kasoo saartay booqashadii Xasan Sheekh uu ku tegay

Muqdisho (Onkod Radio) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa tilmaamay in dowladdu ay xoogga saari doonto howlgallada dalka looga xoreynayo kooxda argagixisada ah ee Al -Shabaab.

Madaxweynaha oo ugu horreyn salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxa uu kormeeray Xafiisyada ay ku shaqeeyaan talisyada kala duwan ee Wasaaradda Gaashaandhigga, isaga oo warbixinno ka dhageystay hoggaannada Ciidamada Xoogga Dalka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ahna Taliyaha Guud ee CQS ayaa qalabka isgaarsiinta Xoogga Dalka kula xiriiray qaar ka mid ah saraakiisha iyo ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan jiidaha dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al- Shabaab, waxa uuna ku bogaadiyey sida naf-hurninada leh ee ay dharaar iyo habeen walba heegan ugu yihiin difaaca dadkooda iyo dalkooda, sidoo kale madaxweynuhu waxa uu la wadaagay  ciidamada sida ay dowladda uga go’an tahay xaqiijinta amniga guud ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeerkiisii ugu horreeyey ku tagay Wasaaradda Gaashaandhigga, kadib dib u doorashadiisa ayaa u kuur galay xaaladda Ciidamada Qalabka Sida, waxaa uuna muujiyey sida ay dowladda federaalka uga go’an tahay xaqiijinta amniga guud ee dalka.

Ciidaanka Xoogga Dalka
Ciidaanka Xoogga Dalka
Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya
Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya
Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya
Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Xuseen Macallin

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.