image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Uhuru Kenyatta ‘’ Dhib keliya ee ii haysta ee caqabad igu ah waa Rutu ‘’

Nairobi (ONKOD) Madaxwaynihii Kenya Uhuru Keyatta ayaa sheegay inuu dareemayo dhibaatooyin joogta ah oo uu kala kulmayo Dowladda Madaxwaynaha hadda talada dalkaas haya ee William Rutu

Waxa  uu sheegay Uhuru Kenyatta in ciidamo fara badan dhawaan weerar ay ku qaadeen gurigaas talabadaas oo uu ku tilmaaay in ay ahayd mid gardara ah oo lagu soo qaaday naftiisa iyo Qoyskiisa.

‘’Keliya caqabada  I haysata waa dhibaatooyinka aan kala kulmayo ciidanka taasna waa wax aan la ogolaan doonin ‘’ ayuu sheegay Madaxwayihihii hore ee Kenya Uhuru Keyatta .

Keyatta ayaa ugu  baaqay in Dowladda ay joojiso talaabooyinka isaga ka dhanka ah iyo  beegsiga gaarka ah ee lagu hayo Qoyskiisa ,’’ Haddii aad ii baahan tahay waa i kanaa ee isoo weerar ‘’ ayuu markale ku  yiri Kenyatta.

Madaxweynihii hore ee Kenya ayaa sidoo kale beeniyay hub sharci darro ah oo la sheegay in ay heestaan carruurtiisa , gaar ahaan wiilashiisa Jomo iyo Muhoho, waxa uuna warka la baahiyay ku tilmaamay dacaayad dadka lagu qaldayo.

Madaxweynihii hore ayaa ku andacoonaya in labadiisa wiil ay wadar ahaan leeyihiin lix qori, isla markaana dhammaan qoryaha ay si sharci ah u diiwaan gashan yihiin.

Hadalka madaxweynihii hore ee Kenya ayaa kusoo aadaya xilli ay dowladda madaxweyne Rutu cadaadis ku heyso Uhuru iyo qoyskiisa oo dowladda ku tuhmeyso in ay maal-gelinayaan dibad-baxyada dowladda looga soo hor-jeedo.

 

 

 

 

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.