image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Trump oo su’aal galiyey rabitaanka nabadda ee Putin

Donald Trump ayaa su’aal galiyay rabitaanka Vladimir Putin ee ah in la soo afjaro dagaalka Ukraine ka dib markii uu la kulmay hogaamiyaha dalkaas Volodymyr Zelensky oo ay ka wada qeyb galeen aaska Pope Francis.

Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada markii uu ka baxay Rome, trump ayaa sheegay inuu ka baqayo in Putin uu “marin habaabinayo” ka dib markii Mosco ay duqaysay Kyiv horraantii toddobaadkan isaga oo intaa ku daray “ma jirto sabab uu Putin gantaallo ugu garaaco goobaha rayidka,”

Trump iyo Zelensky ayaa horraantii maalintaas lagu arkay iyaga oo si qoto dheer ugu doodaya gudaha Basilica-da St. Peter, kahor inta aan aaska si rasmi ah u bilaaban.

Aqalka Cad ayaa kulanka dhexmaray Trump iyo Zelensky oo qaatay 15 daqiiqo ku tilmaamay “mid wax soo saar leh”. Madaxweynaha Ukraine, Zelensky, ayaa sheegay in kulankaasi uu “yahay mid taariikhi ah noqon kara”.

Wuxuu ahaa kulankii ugu horreeyey ee fool ka fool ah ee Trump la yeesho dhigiisa Ukriane Vladamir Zelensky tan iyo bishii Feebaraayo ee sannadkii hore markaas oo hadalo kulul ay is waydaarsadeen intii lagu guda jiray kulankoodii xafiiska Oval ee aqalka Cad.

Trump oo qoraal soo dhigay bartiisa Truth Social ayaa sheegay in weerarrada Ruushku ku qaaday magaalooyinka Ukraine ay ku rideen shaki, isagoo yiri: “Waxay igu keentay inaan u maleeyo in laga yaabo inuusan doonayn inuu dagaalka joojiyo, balse uu i khiyaanayo, waxaana laga yaabaa in si kale loola tacaalo—tusaale ahaan ‘Bangiyada’ ama ‘Cunaqabateyn labaad.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.