image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Toga Garbaharay oo qof ku dhintay & magaaalooyinka kale oo go’doosan

Garbahaaray (ONKOD) Warrarka ka imaanay gobolka Gedo ayaa sheegaya in gabi ahaanba ay go’doon gashay degmada Luuq kaddib markii webiga Juba uu ku fatahay qaybo badan oo magaalada kamid ah.

Dad  jooga degmada Luuq ee  gobolka  Gedo sheegay in qofka doonaya in uu magaalada soo galo ama uu ka baxo ay tahay in uu raaco doon.

Gudaha magaalada Xaafaddo badan ayaa laga qaxay.

Roobbab maahigaana oo ka da’ayay gobolka Gedo todobaad kii la soo dhaafay ayaa keenay in waadiyaasha ay ka soo rogmadaan daaddad fara badan, teetana ay ku daraan webiga oo isaguba markii hore buuxay, taasina waxay keentay fatahaad balaaran oo ka dhacday magaalooyinka Luuq, Baardheere, Doolow iyo Buurdhuubo.

Magaala madaxda gobolka Gedo ee Garbahaarey waxa saaka la soo weriyay in tog magaalada kala qaybiya uu qaaday nin dadka deegaanka kamid ah oo doonayay in uu halkaa ka gudbo.

Goor  horeysay waxaa  degmada Ceelwaaq  ee gobolka  Gedo waxaa ku dhintay daad ka dhashay roobka laba qof oo dumar ah sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Daad ka dhashay roob mahiigaan ah oo maalmahan ka da’ayay deegaannada gobollada Jubbaland ayaa sababay in ay dhintaan saddex qof. Dadka dhintay ayaa isugu jiray laba gabdhood oo 14-jir ahaa ah iyo wiil 18 jir ahaa.

Ma jiro wax gurmad ah oo illaa hadda la gaarsiiyay deegaannada ay dhibbaatadu ka dhacday, sida ay ku soo warramayaan weriyayaasha gobolka jooga.

 

 

 

 

 

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.