image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Tirada kooxda Shabaab looga dilay dagaalo ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo korortay

Waxaa sii kordhaya tirada horjoogayaasha kooxda Al-shabaab looga dilay dagaalo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya Sheekh Abuukar Maxamed, ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay weerar ay Al-shabaab ku qaadeen deegaanno ku yaalla xadka ay wagaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Afhayeenka ayaa sheegay in Shabaabka weerarka soo qaaday jab xooggan lagu gaarsiiyay, isla markaana looga dilay  horjoogayaal iyo maleeshiyaad katirsan kooxda Al-shabaab.

”Howlgalkaas wuxuu ahaa mid qorsheysan, cadowga Khawaarijta ayaa waxay isku dayeen inay weerar ku qaadaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka, waxaana ka hortegay ciidamada xaq u dirirka deegaanka iyo kuwa xoogga dalka oo kooxdu gaarsiiyay jab aad u weyn, maanta waxaan xaqiijineynaa in meydad soddomeeyo ah loogu tegay keymaha deegaannada lagu dagaalamay  oo laga dilay Khawaarijta, horayna labaatameyo ayaa looga dilay, waxaanna marka la isku daro khasaaraha Khawaarijta shalay iyo maanta gaareeb 50 meeyo meydadka Khawaarijta ah” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Abuukar.

Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday guluf dagaal oo dib looga saarayo Al-shabaab deegaanada iyo degmooyinka ay  kaga sugan yihiin gobolladaasi.

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.