image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Taliye Odowaa oo saraakiisha ciidanka xoogga ka hadlay darder gelinta dagaalka socda

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Gen Odowaa Yuusuf Raage, ayaa kulan gaar ah oo looga hadlayay xoojinta howlgallada ka socda dalka, waxa uu la qaatay qaar kamid ah saraakiisha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka.

Kulankan ayaa intiisa badan waxaa diirada lagu saaray howlgallada ka socda deegaanada gobolka Shabeellaha Dhexe, iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Sida aan xogta ku helnay waxaa Muqdisho iyo Jowhar ka dhacay kulamo lagu gorfeynayay sidii loo dajin lahaa qorsho cusub oo ka dhan ah dullaanka Al-shabaab iyo sidii looga hortagi lahaa dhaq-dhaqaaqa ay ka wadaan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Saraakiisha kala duwan ee kulan goob joog ka ahaa ayaa gudbiyay xogaha ay ka hayaan dhaq-dhaqaaqa ay wadaan Al-shabaab, maadama deegaano iyo degmooyinka katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhaceyn dagaal qaraar oo u dhaxeyay ciidanka xoogga iyo Al-shabaab.

Sikastaba, kulankan ayaa ku soo aadaya iyada ciidamada xoogga ee ku sugan gobolka Shabeellaha Dhexe, la geliyay heegan buuxa si ay uga hortagaan weerarada ka imaanaya Al-shabaab, maadama ay heleen dhaq-dhaqaaqa ay kooxdu ka wado gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.