image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Taliye Nuur Farey “meydadka Al-shabaab meel kasto ayey daadsan yihiin mana jiro deegaan ay qabsadeen”

Saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka ayaa beeniyay in Al-shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Ceel-baraf iyo deegaanada kala ah Cadleey iyo Mir-taqwa oo katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ee maamulka Hir-shabeelle.

Taliyaha Guutada 14-ka October G/sare nuur Farey, oo la hadlay warbaahinta dowladd ayaa sheegay in waxba kama jiraan ay tahay  wararka lagu baahiyay baraha bulshada ee sheegaya in Al-shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Ceel-baraf iyo deegaanada Mir-taqwa iyo Caadley.

Taliye Nuur Farey, ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka  ay ku sugan yihiin deegaanada laisku yiraah afarta Tuulo, waxa uuna tilmaamay in Al-shabaab ay baraha bulshada ku baahiyeen sawirro laisku dhajiyay, oo ay ku doonayeen in ay dadka aan aqoonta badan u laheyn deegaanada shabeelaha dhexe ay ku cabsi geliyaan, balse taasi ay tahay mid wax ka jirin.

Sidoo kale Taliyaha oo sii hadlayay ayaa carabka ku dhuftay in meydadka Al-shabaab ay meel kasto daadsan yihiin, ayna sii wadi doonaan ciidanka howlgalka dalka looga ciribtirayo kooxdah Al-shabab iyo Daacish oo dhibaato badan ku  haya shacabka Soomaaliyeed.

Wararkii ugu dambeeyey ee saakay anu ka heleyno deegaanada gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegaya in xaalada ay deggan tahay, isla markaana ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay halkaasi kawadaan howlgal lagu xaqiijinayo amniga deegaanada ku jira gacanta dowladda.

Sikastaba labadii maalin ee lasoo dhaafay deegaano badan oo ku yaalla shabeelaha Dehxe waxaa ka dhacay dagaalo qaraar oo u dhaxeeyay Al-shabaab iyo ciidamada Dowladda, waxaana dagaaladaasi ka dhashay khasaaro kala duwan oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalka uu dhaxeeyay.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.