image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Taliye Asad Diyaano oo la kulmay Taliyaha Booliska ciidamada Qaramada Midoobay..

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa la kulmay Mohammad Jamil Yousef oo ah Taliyaha Booliska Ciidamada Qaramada Midoobay ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya UNTMIS .

Kullan gaar ah oo labada Taliye wada qaateen ayaa looga hadlay u diyaar garowga wakhtiga kala guurka iyo kaalinta kaga aadan Ciidanka Boliiska, xoojinta iskaashiga iyo wada shaqaynta Ciidamada Boliiska Soomaaliya iyo kuwa Qaramada Midoobay,

Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi waxa uu sidoo kale Taliyaha UNTMIS la wadaagay wax kabadalka uu ku sameeyey mudada uu xafiiska joogay qorshaha istaraatiijiyadda Boliiska oo saldhig looga dhigay isla xisaabtan ,dhisidda kalsoonida shaqada Ciidanka, casriyeynta kaabayaasha amniga iyo farsamada ciidanka si kor loogu qaado xirfadooda iyo hufnaantooda.

Taliye Mohammad Jamil Yusuf ayaa soo dhaweeyey qorshaha cusub waxaana uu balanqaaday in dhankooda xoojinayaan taageerada ay Boliiska siiyaan, waxaana uu Taliyaha Ciidanka Boliska Soomaaliyeed gudoonsiiyey bilad sharaf uu ku mutaystay hagaajinta iyo xoojinta wada shaqaynta dhexdooda mudada kooban ee uu Taliyuhu xafiiska joogay.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.