image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Taliska Booliska Soomaaliya oo baadi goobaya rag baxsad ah oo ku eedeysan dil

Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed looga codsaday in ay ka gacan siiyaan soo qabashada labo eedeysane oo baxsad ah kuwaasi oo dil geystay.

Qoraalka kasoo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in raggan eedeysanayaasha ah ee ka baxsaday sharciga lagu kala magacaabo C/risaaq Cali Maxamed ( Aflow) iyo Sadaam Cumar C/ Samad, kuna eedeysan in dil bareer ah u geysteen  askari katirsan ciidanka xoogga dalka oo lagu magacaabi jiray Marxuum Caamir Ismaaciil Cali oo 25 jir ah.

Sidoo kale qoraalka kasoo baxay Taliska Booliska ayaa lagu yiri “Waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed lagu wargalinayaa in ay soo qabashada eedeysanayaashaan ku gacan siiyaan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed”.

“Waxaana lagu amaal marinayaa ruuxii soo gudbiyay xog sahleysa in gacanta lagu dhigo amma xumin walba oo ka tirsan Hay’addaha amaanka oo ku guuleesya in uu gacanta ku soo dhigo 10.000$ toban kun oo Doolarka Mareykanka ah”. Ayaa ugu dambeyn lagu sheegay qoraalka Booliska.

Sikastaba dhacdooyinka la xiriira dilal marmar qaar a  isku geystaan ciidanka dowladda, ayaa mudooyinkii dambe soo kordhayay, iyada oo maxkamada ciidamada qalabka sida ay sheegtay in askarigii geysta fal dil ah sharciga waxa uu qabo la marsiin doono.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.