image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Tahriibiyaal Soomaali ah oo lagu badbaadiyay xeebaha Giriigga

Turky (Onkod Radio) — Ciidanka Ilaalada Xeebaha Giriigga ayaa badbaadiyay qaar kamid ah Tahriibayaal Soomaali ay kamid tahay halka weli la baadigoobayo dadka qaar oo la waayay sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan ciidanka Badda Dalkaas.

Markabkaan waxaa la socday ku dhawaad 55 ruux oo dhalasho dalal kala duwan ah waxaana la badbaadiyay qaar kamid ah, sarkaala katirsan ciidanka ilaalada xeebaha Giriigga ayaa sheegay in la helay 49 ruux halka lagu raad-joogo dadka kale.

Xeebta Leros ayaa la geeyay Dadkaan oo u kala dhashay Sierra Leone, Soomaaliya & Uganda balse Booliisku ma sheegin tirada waddan weliba uu ku leeyahay Tahriibayaashaan oo la dejiyay goob loogu talagalay in lagu haayo.

Ciidanka waxaa gaaray war kale oo sheegaya in uu dhacay shil kale balse ma bixin macluumaad dhammaystiran oo muujinaya dhimasho, Dad la helay, Tiradooda, jinsiyaddooda & xogaha guud ee la iska waydiinayo shilkaas.

Jasiiradda Leros waxa ay Magaalada Athens oo ah Caasimadda Giriigga u jirtaa 317 KM, marin ayay u noqotay Tahriibayaasha ka gudba Turkiga si safar dhulka ah ay uga billaabaan Giriigga una sii tagaan waddamada kale ee Qaaradda Yurub.

Warbixinno ay soosaareen Hay’adaha u xilsaaran Tahriibayaasha ayaa lagu sheegay in sababta kordhisay qulqulka dhalinyarada u badan kuwa u dhashay waddamada colaadaha & gaajada ay ka jiraan ay tahay in ay aaminsan yihiin in ay halayaan nolol wanaagsan iyaga naftooda halis geliya.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.