image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Suuqa weyn ee Bakaaraha oo maanta u xiran lacago ay dul dhigtay dowladda Soomaaliya

Waxaa maanta inta badan xiran  goobaha ganacsiga ee suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah ganacsatada ayaa sheegay in sababta ay u xireen ganacsiga ay tahay in aysan awoodin lacagaha cusub ee ay dowladda Soomaaliya ku soo rogtay,  sida canshuurta xad dhaaf ah iyo lacagta warqada dambi la,aanta ah, sidaas darteedna ay go,aan sadeen in ganacsigooda ay xiraan.

Ganacsatada ayaa sheegay in dowladda ay ka codsanayaan in laga qafiifiyo culuska la saaray, maadama suuqa isu socodkiisa uu yar yahay Canshuur bixiyaal yihiin.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen ganacsatada in ay horay u fuliyeen amaro badan oo culeys ku ahaa sida ay ku doodeen.

“ Lacagaha Canshuurta oo aad u batay ayaa sababay in maanta la xiro suuqa Bakaaraha, cabashooyin badan ayaa jiray oo ganacsatada ka muujiyeen lacaghaas xad dhaafka ah markii ay is fahmi waayeen guddiga ganacsatada iyo mas’uuliyiin ka socota dowladda, ayaa sababay in 95% suuqa maanta la xiro” ayuu yiri ganacsade Abuukar oo warbaahinta la hadlay.

Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa ku tiirsan qoysas badan oo u shaqa tagga maalin walbo si ay noolasha ehelkooda uga mareeyaan.

Geestka ma jiro ilaa iyo hadda war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya, oo ku aadan xirnaanshaha suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.