image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Suudaan oo u yeertay safiirkeeda u fadhiyay dalka Kenya

Dowladda Suudaan ee ay taageerayaan militariga ayaa Khamiistii dib ugu yeertay safiirkeeda Kenya, iyada oo ka mudaaharaadaysa martigelinta Nairobi ee shirarka ay qabanayaan xoogagga mucaaradka ah ee la dagaallamaya, kuwaas oo doonaya inay dhisaan maamul kale oo ka soo horjeeda dowladda Suudaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suudaan ayaa sheegtay in safiirkeeda loo yeeray “si wadatashi loola yeesho,” iyada oo ku eedeysay Kenya inay martigelisay “shirarka maleeshiyada fallaagada ah iyo xulafadooda,” tallaabo ay ku tilmaantay mid cadaawad ku ah Suudaan, sida ay werisay wakaaladda wararka dowladda, SUNA.

Munaasabad heer sare ah oo toddobaadkan ka dhacday Nairobi, ciidamada sida militariga u tababaran ee gurmadka deg degga ah ee RSF, oo muddo ku dhow laba sano dagaal kula jiray militariga rasmiga ah, ayaa shaaciyay inay saxiixi doonaan axdi aas-aasi ah oo horseedi doona dhismaha “Xukuumadda Nabadda iyo Midnimada”.

Hadal hore oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suudaan, ayaa lagu eedeeyay Madaxweynaha Kenya, William Ruto, inuu qaaday “jaho hoose oo ceeb leh” isaga oo “gacan ka siinaya oo dhiirrigelinaya shirqool jabinaya madaxbannaanida Suudaan.”

Ilo ku dhow abaabulayaasha shirarka RSF ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in saxiixa axdiga, oo markii hore loo qorsheeyay Talaadadii, dib loo dhigay ilaa dhammaadka toddobaadka.

Dagaalka u dhexeeya militariga iyo RSF, oo billowday bishii April 2023, ayaa sababay dhimashada tobannaan kun oo qof, halka in ka badan 12 milyan ay ku qasbanaadeen inay guryahooda ka barakacaan.

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.