image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Soomaaliya oo 54 sano kaddib fariisan doonta fadhiga golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay

Soomaaliya ayaa 54 sano kaddib shalay si toos ah  xubin uga noqotay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Waxa ayna Soomaaliya kamid noqotay 15-ka xubnood ee uu ka kooban yahay golaha ammaanka, gaar ahaan 10-ka xubnood ee aan joogtada aheyn.

Kursiga ayey soomaaliya ku matali doontaa bariga Afrika, muddo labo sannadood oo ka bilaabeysa 1-da bishaan Janaayo ee sannadkan ilaa iyo 2026-ka.

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Mudane Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray wuxuu ku yiri, “Waxaa naga go’an inaan ilaalino Axdiga Qaramada Midoobay, waxaana u heellannahay ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah.”

Sikastaba, Booskan ayaa Soomaaliya loo doortay  bishii June ee sannadkii 2024-ka waxaana isku mar shalay golaha ammaanka ku soo biiray dalalka Panama, Denmark  Pakistan iyo Giriigga.

Dhinaca kale madaxweyihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa 23 may ee sannadkii 2022-kii marka uu xilka wareejiyanayay warbaahinta u sheegay isaga oo garab taagan madaxweyne Xasan Sheekh, inay codsi u direen golaha ammaanka kaasi oo ku aadan in Soomaaliya ay xubin toos ah ka noqoto fadhiyada golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Sidoo kale warar madax banaan ayaa sheegaya in Muqdisho uu ka dhici doono isku-soo bax lagu soo dhaweynayo guusha Soomaaliya u soo hootay ee ah in Nus qarni kaddib ay Soomaaliya fariisato fadhiyada golaha ammaanka ee Qarmada Midoobay.

 

 

 

 

 

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.