image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Soomaalida Kenya oo wehel u ah casbi & banaanbaxyo ka dhacaya Nairobi

Nairobi (ONKOD) Somaalida ku nool Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa ka walaacsan mudaaharaadyada  ka dhacaya  dalka kenya, xilli mudaaharadyadii todobaadkii hore ka dhacay Nairobi ay qaar ka mid ah dadkii ka qaybgalay dhac u geysteen goobo ganacsi.

Waxaa lagu soo waramayaa in dibadbaxyadan ay saamayn ku yeesheen ,  dhaqdhaaqa ganacsiga iyo guud ahaan nolosha dadka ku nool magaalooyinka dalka Kenya kuwaas oo farta wadnaha ku haya.

Dowladda Kenya ayaa waddooyinka dalkaas soo dhoobtay ciidamo fara badan si ay uga hortagto  banaanbaxyaasha  isla markaana u xakayso  dhibaatooyinka ka dhalanaya rabashadaha  cabsida badan  abuurtay.

Goobaha waxbarashada ayay Dowladda Kenya ay sheegtay in aan la aadi doonin waxa ayna ku baaqday in dadka ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah si ay uga fogaadaan waxyeelo soo gaarta .

Soomaalida waxay ka mid yihiin dadka wadnaha farta ku haya kuwaas oo albaabada u laabay goobaha ganacsiga ee ay ku leeyihiin magaalooyinka dalka Kenya , gaar ahaan Soomaalida ku nool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa ku gacan-sayrtay dhawaan  dacwad loo gudbiyey oo ka dhan ahayd debed-baxyada ay wadaan xisbiyada mucaaradka ee dalkaasi.

Go’aanka ayaa  maxkaamadda  soo saartay ka dib markii uu garyaqaan u dhashay dalka Kenya uu maxkamadda sare u gudbiyey dacwad uu ku doonayey in mucaaradka laga joojiyo debedbaxyada.

Mucaaradka dalkaas oo ka biyo diidsan doorashadii Kenya sanadkii hore ka dhacday ayaa iyaga oo ka faa’iideysanaya canshuuraadka ay dowladdu ku kordhisay shacabka waxay abaabulayaan banaanbaxyo.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.