image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Soomaalida ISLII & Hay’adaha amniga Kenya oo ka hadlay khatar soo wajahan

Nairobi (ONKOD) Magaalada  Nairobi ee dalka  Kenya  waxaa ka dhacay shir laba geesood ah oo ay wada yeesheen laamaha amniga ee dalkaas iyo hoggaamiyaasha Soomaalida ganacsiga ku leh xaafadda Islii.

Shirkan ayaa  yimid ka dib markii ay soo baxeen suurtagalnimada in Islii ay ka dhici karaan falal argagaxiso , ka dib dagaalka dagaalka  Isreal ay ku qaadeen Falastiin.

Saraakiisha  Kenya ayaa Soomaalida u sheegay in ay muujiyaan feejignaan la xiriira amniga suuqa  islii ah oo ah meel ay aad ugu badan yihiin dadka Soomaaliyeed.

Wararka laga helayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in ciidamo dheeraad ah la dhigay suuqyada Soomaalida ay ku badan yihiin ee Kenya.

Dadka  Soomaalida ayaa la sheegaa in ay yihiin kuwa ugu badan ee ganacsiga  ku leh xaafada Islii ee Nairobi halkaas oo ay soo baxayaan digniin la xiriirta amniga suuqa.

Dhankooda hoggaamiyaasha Soomaalida ayaa muujiyay sida ay u doonayaan in arimaha amniga ay kala shaqeeyaan laamaha  ammaanka ee dalkaas kuwaas oo heegan ugu jira ka hortagida falalka amni daro.

Safaaradda Maraykanka ee magaalada Nairobi ayaa sidoo kale dhowaan muwaadiniinta Maraykanka ee Kenya u jeedisay digniinno la xiriira inaysan tagin goobaha ay dadku ku badan yihiin.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.