image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Soomaali Aas ka qayb galeysay oo rasaas lagu furay

Toronto (Onkod Radio) — Booliiska magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa shaaciyay in la dilay ugu yaraan hal qof, mid kalena uu ku dhaawacmay kadib markii rasaas qof hubaysan uu ku furay dad Soomaali ah oo ka qayb galayay Aaska Soomaali Talaadadi la dilay.

Ciidamada ayaa sheegay in ay aqoonsadeen maydka 26-sano jir lagu magacaabo Ayuub Xirsi oo la toogtay xilli uu ku sugnaa qabuuraha Muslimiinta ee Richmond Hill, xilligaas oo ay ka dhaceysay goobta duugta Gidiid Maxamed oo la dilay Talaadadii xilli uu ku sugnaa goob lagu caweeyo.

Goobta ayaa sidoo kale lagu dhaawacay nin 27-sano jir ah oo hadda ku jira Isbitaalka sida ay xaqiijiyeen laammaha ammaanka dalka Canada.

Booliiska ayaa sidoo kale sheegay in la tuhun sanyahay saddex rag ah kuwaas oo ku baxsaday gaari noocisu yahay SUV, waxaana ay aadeen dhanka waddada Leslie Street.

Dhacdadaan ayaa dhacday galabnimadii Khamiista ahayd ee Isbuucii aan ka soo gudubnay, waxaana la sheegay in ay weli socdaan baaritaanno.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.