image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Siciid Deni oo lagu qanciyay in uu yimaado Muqdisho

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa wada dadaal lagu xallinayo ismariwaaga siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa Maamul goboleedyada dalka.

James Swan ayaa maanta la kulmay Madxaweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, isagoona ku qanciyay in uu ka qeyb galo shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maalinta Isniinta ka furmaya Muqdisho. Todobaadkii hore, wuxuu kulamo kan la mid ah la yeeshay madaxda Maamullada Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Waxaa lagu wadaa in sidoo kale uu kulan la yeesho Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe oo maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo.

Inkastoo hoggaanka Dowladda Federaalka looga fadhiyay qabashada howshan, haddana Wakiilka Qaramada Midoobay ayay huri waysay in uu qaato mas’uuliyad u muuqata in loo wakiishay, islamarkaana uu isu soo dhoweeyo mas’uulyiin muddo is-diidanaa.

Sikastaba, talaabada uu qaaday James Swan ayaa u muuqata mid daba socota shir dhowaan ka dhacay dalka Uganda, kaasi oo qodobadii ka soo baxay midkood lagu dalbaday hanaan lagula socdo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.