image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Shirqool lagu dilay Taliyihii Ururka 2-aad ee Ciidanka xoogga dalka

Warsheekh ( ONKOD) Iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa ka dhacay deegaanka Masjid Cali Gagaduud ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Iska hor imaadkan ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac , soo gaaray ciidanka wada dagaalamay oo iskugu jira ciidan iyo saraakiil.

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ku qarxay si lama filaan ah, kadib markii ay isku dhaceen labada ciidan oo isaga horyimid duleedka deegaankaasi.

Cabtan Maxamed Axmed Abshir oo ahaa taliyihii ururka 2-aad ciidanka ayaa la soo werinayaa inuu ka mid noqday askarta lagu dilay dagaalkan, isagoo hoggaaminayay ciidan ka baxay xerada Maslax ee duleeda Muqdisho.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in askarta ay geeriyootay ay gaarayaan illaa afar, halka ay dhaawacmeen 5 kale oo ah dhinacyada dagaalamay.

Illaa hadda iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda federaalka iyo HirShabelle oo ku aadan dagaalka lagu dilay sarkaalkaas ku baxay isla gacanta ciidamada.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.