image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Shirka magaalada Laascanood maxaa looga hadlayaa ?

Laasacanood (ONKOD ) Magaalada Laascanood ee gobolka Sool waxaa ka furmaya shir ujeedkiisu uu yahay xaaladaha gobolada Soo , Sanaag iyo Cayn halkaas oo wali dagaalo ay ka dhacayaan.

Shirkan waxaa ku baaqay ismida iyo waxgaradka  goboladaas kuwaas oo sheegay in shirka uu ka daba socdo shirarkii hore ee  looga hadlayay aayaha deegaanada SSC.

Waxaa ka qayb gali doona shirkan waxgaradka , aqoonyahanka deegaanadaas kuwaas oo ka walaacsan xaalada deegaanka iyo dhibaatada ciidanka Somaliland ay u gaysteen dadka rayidka.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka mid ah Hogaanka Isimada Dhaqanka SSC oo  ka hadlayay xaalada  Amni ee Gobolka Sool ayaa markale dalbaday in Ciidaamadda Somaliland laga Saaro gobolka Sool.

Somaliland ayuu ku eedyay Garaadka in dhibaato ay ka gaysteen gobolada SSC ,isla markaana laga xisaabtami doono  gabood faladaas ka dhacay gobolka Sool ee beegsiga rayidka.

Si kastaba duleedka waqooyi ee Magaaalada Laascaanood  ayaa waxa isku horfadhiya ciidanka Militariga Somalailnd iyo kuwa SSC kuwaas oo dhowr jeer halkaas ku dagaalamay.

Dagaalka ka dhacaya magaalada Laascanood waxaa ku barakacay dadkii ugu badnaa kuwaas oo ku dayacan meelo ka mid ah gobolada Sool , Sanaag iyo Cayn

Kol hore Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in ciidanka Somaliland ay ka baxdo deegaanka Deegaanka Gooja cadde halkaas oo  ah  halka ugu badan ee dagaalada ay ka dhacayaan.

 

 

 

 

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.