image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Shiinaha oo tallaabo millateri qaaday iyo Maraakiibta dagaalka ee Mareykanka oo u dhaqaaqay Taiwan

Muqdisho (Onkod Radio) – Ciidamada militariga Shiinaha ayaa bilaabay dhoolatus militari oo ay ku jiraan rasaas toos ah oo ay ku ridayaan biyaha iyo hawada ku hareereysan jasiiradda Taiwan, sida uu sheegay Telefishinka dowladda Shiinaha Khamiista maanta ah, isaga oo intaas ku daray in dhoollatusakan uu dhammaan doono 12:00 duhurnimo maalinta Axadda ah.

Dhoolatuskan ayaa imanaya maalin kadib booqasho ay afhayeenka Aqalka Wakiilada Maraykanka Nancy Pelosi ku tagtay jasiiradda iskeed u maamusha ee Taiwan oo ay Beijing u aragto dhul Shiinaha ka tirsan.

Saraakiisha Taiwan ayaa sheegay in dhoolatuskan uu yahay mid xadgudub ku ah shuruucda Qaramada Midoobay, isla markaana ay Shiinuhu duulaanka ay ku qaadeen hawada sare ee Taiwan, ayna caqabad toos ah ku yihiin hawada iyo baddeeda.

Xisbiga talada haya ee Taiwan Democratic Progressive Party ayaa sheegay in Shiinuhu uu wado dhoolatus uu ku sameynayo marin biyoodyada ugu mashquulka badan caalamka iyo dariiqyada duulimaadyada, taasi oo ah “dhaqan aan mas’uul ahayn oo sharci darro ah.”

Isagoo si kulul u cambaareeyay dhoolatuskaasi, ayaa Afhayeenka Golaha Wasiirada Taiwan wuxuu sheegay in website-yada Wasaaradaha Difaaca, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Madaxtooyada ay soo weerareen kooxo jabsaday.

Pelosi, oo ah qofkii ugu heerka sarreeyay ee Mareykanka ee booqda Taiwan muddo 25 sano ah, ayaa ammaantay dimuquraadiyaddeeda, waxayna ballan-qaadday taageerada Mareyka, iyada oo intaa ku dartay in carada Shiinuhu aysan ka joojin karin hoggaamiyeyaasha adduunka inay u safraan Taiwan. Shiinaha ayaa u yeeray safiirka Maraykanka ee Beijing si ay uga mudaaharaadaan booqashadeeda.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.