image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Shabaabkii kasoo firxaday dagaaladii ka dhacay Hiiraan oo gaaray degmada…

Wararka inaga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegaya in sacaadihii lasoo dhaafay ay dagaalamayaal katirsan Al-shabaab oo kasoo ruqaansaday dagaalada culus ee ka socda deegaanada gobolka Hiiraan, ay soo gareen Shabeellaha Dhexe.

Ilo kamid ah dadka deegaanka,  ayaa sheegay  in tan iyo shalay ay agagaarka Jiinka Wabiga Shabeelle ee degmada Mahadaay,  lagu arkayay dagaalamayaal katirsan Al-shabaab oo soo buux dhaafiyay halkaasi kuwaasi oo u muuqda kuwa kasoo baxsaday dagaalada qaraar ee maalmihii lasoo dhaafay ay ciidanka dowladda iyo kuwa Macawisleey Hiiraan, ay kala kulmeen.

Sidoo kale ciidanka dowladda iyo maamulka Hir-shabeelle, ayaa dhankooda saacadihii lasoo dhaafay bilaabay dhaq dhaqaaq ciidan oo ay uga hortagaan is aruursiga Al-shabaab, ay ka bilaabeen degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Al-shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay dagaalo culus kala kulmay ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleey, waxaana Al-shabaab dagaaladaasi looga dilay in ka badan 30 dagaalame, iyada oo noolasha lagu qabtay 3 xubnood,  waxaana xusid mudan in deegaano badan ay ka talin jireen Al-shabaab lagala wareegay.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.