image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Shabaab & Dowladda oo ku dhax dagaalamay gudaha Muqdisho

Muqdisho (ONKOD) Kooxda Al- Shabaab ayaa weeraro toos ah ka bilaabay in ay ka gaystaan gudaha magaalada Muqdisho , kuwaas oo inta badan khasaare kala duwan gaysta.

Goobaha la sheegay in kooxda Al- Shabaab weeraro ay ka gaysteen waxaa ka mid ah ,deegaanka Arbacow  ee Ceelasha biyaha ee duleedka – magaalada  Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta xooggan ee ay is waydaarsanayeen kooxda Al- Shabaab iyo ciidanka Dowladda oo halkaas fariisimo ku leh.

Xubnaha weerarka soo qaaday ayaa beegsaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda oo ku yaalla Arbacow, ayada oo meesha ay isku fara saareen labada dhinac.

Saraakiisha Dowladda Federaalka Soomaaliya wax war ah ma aysan ka soo saarin dagaalkan kooxda Al- Shabaab ay ka gaysteen duleedka Ceelasha biyaha ee magaalada Muqdisho.

Kooxda Al- Shabaab ayaa u muuqata  in ay kordhinayso weerarada ay ka gaysanayso gudaha magaalada Muqdisho iyo duleedyadeeda.

Maalmo kahor ayey aheyd markii sidaan oo kale ay Al-Shabaab dagaal ugu soo qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda ku leeyihiin degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.