image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Seddax Dowlad oo Soomaaliya caawinaad u balanqaaday

Muqdisho (ONKOD ) Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Qatar ayaa ku dhawaaqay taageero dhaqaale oo ay iska kaashanayaan saddexdaan dal, isla-markaana lagu caawinayo Soomaaliya, si wax looga qabto abaaraha weli ka jira gudaha dalkeenna, kuwaas oo saameeyay bulshada.

Lacag dhan 10.5 milyan oo doolar oo ah gargaarka abaaraha iyo u adkeysiga, ayaa la siin doonaa dowladda federaalka iyada oo ay iska kaashanayaan Sanduuqa Horumarinta Qatar, Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka iyo Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho.

Taageeradan dhaqaale ayaa lagu doonayaa in looga hortagga macluusha Soomaaliya iyo wax ka qabashada saamayntii ka dhalatay abaarahii Soomaaliya ku dhuftay 2021 iyo 2022.

Sidoo kale ilaa 6.6 milyan oo qof oo Soomaaliya ku nool ayaa ah cunto yari aad u daran taas oo ay ugu wacan tahay abaaraha iyo rabshadaha ka dhashay colaadaha.

Ergeyga Dowladda Ingiriiska ee arrimaha Soomaaliya Mike Nithavrianakis oo ka hadlay iskaashigan saddex geesoodka ah ayaa sheegay in tallaabada ay qaadeen ay tahay mid muhiim ah, balse waxa uu qiray in Soomaaliya aysan ku filneyn intaasi loona baahan yahay taageero kale si xal waar loogu helo dhibaatooyinka gudaha ee weli ka jira dalkeenna.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.