image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Sawirro: Xil-wareejin maanta ka dhacday xafiiska Xamza

Muqdisho (Onkod Radio) – Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Subeer ayaa maanta xilka kala wareegay Xoghayihii hore ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Ibraahim Nuur.

Munaasibada xil-wareejinta ayaa ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kaasi oo uu goobjoog ka ahaa Wasiiru-dowlaha xafiiska Mudane Cabdixakiin Ashkir.

Xoghayihii hore ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Ibraahim Nuur ayaa ku wareejiyey Xoghaya cusub galal ay ku qoran yihiin hantida ma guurtada ah, shaqaalaha, iyo hannaanka shaqo ee Xafiiska.

Sidoo kale waxa uu Alle uga rajeeyey in xilkaas culus ee loo dhiibay uu u fududeeyo.

Xoghayaha cusub ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Maxamed Abuukar Subeer ayaa dhankiisa soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan horumarinta howlaha mudnaanta u leh.

Ugu dambeyntiina waxa uu xoghayaha cusub ka codsaday dhammaan shaqaalaha iyo howl-wadeennada xafiiska in lala shaqeeyo, si loo dardar-geliyo howlaha horyaalla.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.