image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Sagaal qof oo lagu dilay toogasho ka dhacday Mareykanka

Washington (Onkod Radio) – Toogashooyin ka dhacay saddex magaalo oo Mareykan ah ayaa lagu dilay sagaal qof, waxaana ku dhaawacmay labaatameeyo kale, taasoo ah tii ugu dambeysay ee rabshado hubeysan oo ka dhashay saddex toogasho oo dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay dalka Mareykanka.

Magaalada Philadelphia, iska horimaad dhex maray laba nin, ayaa isku bedelay is-rasaasayn, taasoo keentay in rasaas lagu furo maqaayad ay dadku ku badan yihiin, halkaas oo ay ku dhinteen saddex qof, 12 kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana sida uu boolisku sheegay ka dhashay argagax intii ay dadku ka baxsanayeen rasbasta.

Toogasho taa la mid ah ayaa saqdii dhexe ee Sabtidii ka dhacday meel u dhow baar ku yaalla magaalada Chattanooga ee gobolka Tennessee, halkaas oo ay ku dhinteen saddex qof, 14 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay booliisku sheegeen.

Sidoo kale toogasho kale oo dhacday saacadihii hore ee Axaddii, ayaa lagu dilay saddex qof, labana waa lagu dhaawacay magaalada Saginaw ee gobolka Michigan, sida uu sheegay taleefishinka WEYI, isagoo soo xiganaya bayaan uu soo saaray boolisku.

Rabshadahan ayaa dhacay iyadoo bulshooyinka ku nool saddex magaalo oo kale ay weli ku jiraan baroor-diiqda xasuuqii 10-ka qof lagu dilay ee ka dhacay dukaan ku yaalla Buffalo, New York; 21 qof oo u badnaa ardayda yar yar oo lagu dilay Uvalde, Texas; iyo afar qof oo joogay dhismo caafimaad oo ku yaal Tulsa, Oklahoma.

Dadka u dooda xakameynta hubka ayaa ku riixaya dowladda Mareykanka inay qaaddo tillaabooyin adag oo lagu xakameynayo rabshadaha hubka.

Ugu yaraan 240 toogasho wadareed ayaa sanadkan gudaha Mareykanka ka dhacay, sida ay sheegtay Gun Violence Archive, oo ah koox sameysa cilmi-baaris la xiriirta waxyeellada hubka.

VOA

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.