image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Safaaradda Mareykanka oo digniin kasoo saartay weeraro argagixiso Muqdisho ka fulin rabaan Shabaab

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in debagal ay ku sameeysay xog  sheegeysa in suuragal ay tahay in weeraro ay ka dhacaan meelo badan oo kamid ah Soomaaliya oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Waxa ay sheegtay in la joojiyey dhammaan dhaq-dhaqaaqa shaqaalaha safaaradda Mareykanka ilaa iyo amar dambe.

“ Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxa ay xasuusineysa muwaadiniinta Mareykanka in argagixisada ay qorsheynayaan  in ay fuliyaan Afduub, qaraxyo iyo weerar in ay geystaan meelo badan oo Soomaaliya kamid ah”, ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay safaaradda Mareykanka.

Qoraalka  kasoo baxay safaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarada laga yaabo in la fuliyo goobaha dadweynaha isugu yimadaan sida suuqyada, iyo hoteellada,  waxa ayna safaaradda ka digtay in qatarahaas laga feejignaado.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalka safaaradda in dowladda Mareykanka ay aad u xadiday awooda ay adeegyo degdeg ah ugu fidin karto muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya sababo ay ku sheegtay in aysan dal ku laheyn qunsilyad joogta ah.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.