image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Sacdiya oo noqotay gabadhii ugu horreysay oo ku-sime madaxweyne ka ah Somalia

Muqdisho (Onkod Radio) – Xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysay taariikhda ee ku sime Madaxweyne ka noqota Soomaaliya, kadib markii uu maanta dalka Imaaraadka u baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sacdiya ayaa ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, waxayna fursadaan heshay, kadib markii uu isna shalay u baxay safar dibadeed Aadan Madoobe.

Sida uu dhigayo dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, xildhibaan Sacdiya ayaa dalka ka talineysa inta uu mid kood soo laabanayo Madaxweyne Xasan, ama Aadan Madoobe.

Haweeneydaan ayaa baarlamaanka kasoo gashay Puntland, waxayna horey u noqotay haweeneydii u horreeyey ee ku guuleysatay ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka.

Arrintan ayaa dhalisay hadal heyn xoogan, waxaana isla markiiba sawirrada Sacdiya lagu baahiyey baraha bulshada ay ku wada xiriirto, iyada oo aad loo hadal hayo arrintan.

Haddaba  sidee looga falceliyey?

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.