image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Rwanda oo hanjabaad u dirtay dalka ay deeriska yihiin ee Congo

Kigali (Onkod Radio) — Rwanda ayaa sheegtay inay ka aargudan doontaa haddii ay weeraro kale uga yimaada dalka ay dariska yihiin ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, sida uu sheegay wasiirkeeda arrimaha dibadda Talaadadii, kadib markii ay ku eedaysay Congo inay madaafiic kasoo tuurtay xadka horraantii bishii May.

Congo ayaa u yeertay safiirka Rwanda, iyada oo hakisay duulimaadyadii ay RwanAir ku tagi jirtay dalkeeda, si ay uga jawaabto waxa ay ku sheegtay taageerada Kigali ee fallaagada maleeshiyada M23 ee duullaanka militari ku qaaday xudduudeeda bari.

Rwanda ayaa beenisay sheegashadaas, waxayna ku eedaysay ciidamada Congo inay ka barbar dagaallamayaan xoogagga Dimuqraadiga ee Xoraynta Rwanda (FDLR), oo ah koox hubaysan oo ay aasaaseen qawmiyadda Hutu ee kasoo qaxay Rwanda kadib markii ay ka qayb qaateen xasuuqii 1994-tii.

“Haddii ay weerarradu sii socdaan, iskama fariisan doonnoo…Ruwanda waxay xaq u yeelan doontaa inay ka jawaabto si ay u ilaaliso ammaanka dalkeeda iyo muwaadiniinteeda, waana leenahay awood aan ku sameyn karno,” ayuu wasiirka arrimaha dibadda Vincent Biruta u sheegay suxufyiiinta.

Iska horimaadyadan ayaa halis gelinaya xiriirka labada dal, kaas oo soo hagaagayay tan iyo markii madaxweynaha Congo Felix Tshisekedi uu xukunka qabtay saddex sano kahor.

VOA

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.